EPO3 Xasuusin iyo xasilooni| Naftaada ka saamax doorashooyinkii qaldanaa!
Xasuusinta maantaMurugo hadii aad dagaal kaga soo baxday ku faro adayg farxada , nabada iyo daganaanshiyaha aad heshay.Dooro deegaan munaasab ah iyo dad aad nabadaada ku ilaashato. Door xasuusta wacnaanta leh ee aan ku carqaladayn dooni .
Om Podcasten
Magacaygu waa Nasreen Sallah; waxaan aad u daneeyaa arimaha ku saabsan wacyiga ruuxda, cilmiyada la xidhiidhka bulshada, Qaangaadhnimada maskaxda, wax ka barashada khibradaha nolosha, wax-yaalaha ku saabsan ibnu-aadamtinimada, walaalnimada, is jacaylka, daganaan-shiyaha, noolaan-shiyaha iyo nabad gudeedka.podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona. Waxa aan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay in aynu noolaano xaqiiqadeena, in aynu aqbalno abuurkeena iyo in aynu baadi goobanno duwanaan-shiyaheena, si aynu ugu noolaano nolol isku miisaaman, farxad leh, daganaanshiyo leh oo ilaahay raali ka yahay, nafteenuna raali ku tahay. "Talo waliba waxay ka iman doontaa qalbigeyga".