EPO4 Xasuusin iyo xasilooni| Nasriga iyo guusha cid gaar ahi malaha| وتلك الأيام نداولها بين الناس “.

Xasuusinta maantaHadii aad dareemayso dareen ah in aan laguu qadarin in aad maruun guul gaadho, ama aad dareemayso in riyo aad jeclayd aanay kuu dhaboobi-karahaynin oo ay wakhtigan kugu adag-tahay in aad rumayso,Halka dadka inbadan oo ka mid ahi ay xikmada ilaahay gaadheen waxaa aad adigu doonaysey ee aanad wali gaadhin.Xasuuso aayada 140 suurada aali cimraan.Ilaahay wuxuu leeyahay “وتلك الأيام نداولها بين الناس “Sidaasaanu maalmaha dadka ugu kala wareejinaynaa, ama sidaasaanu aya...

Om Podcasten

Magacaygu waa Nasreen Sallah; waxaan aad u daneeyaa arimaha ku saabsan wacyiga ruuxda, cilmiyada la xidhiidhka bulshada, Qaangaadhnimada maskaxda, wax ka barashada khibradaha nolosha, wax-yaalaha ku saabsan ibnu-aadamtinimada, walaalnimada, is jacaylka, daganaan-shiyaha, noolaan-shiyaha iyo nabad gudeedka.podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona. Waxa aan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay in aynu noolaano xaqiiqadeena, in aynu aqbalno abuurkeena iyo in aynu baadi goobanno duwanaan-shiyaheena,  si aynu ugu noolaano nolol isku miisaaman, farxad leh, daganaanshiyo leh oo ilaahay raali ka yahay,  nafteenuna raali ku tahay. "Talo waliba waxay ka iman doontaa qalbigeyga".