EPO7 Xasuusin iyo xasilooni| Muhiim maaha in aad guursato!

Xasuusinta xalqadanMuhiim ma aha in aad guursato mar hadii saaxibadaa, intii kuu dhawayd iyo intii aad taqaanay ay guursadeen.🌼Waxa se ka muhiimsan in aad guursato dookhaaga, aad yagleesho reer ilaahay raali ku noqdo, sidoo kalena aad dhisto guri lagu xasilo oo guryaha kale ka nuur badan ilaahay xagiisa.🌼Waxa ka mubiimsan in aad guri lagasho saaxiib yar oo wax garad ah oo xasilooni iyo farax ay isku biirinayso aragtidiinu.🌼

Om Podcasten

Magacaygu waa Nasreen Sallah; waxaan aad u daneeyaa arimaha ku saabsan wacyiga ruuxda, cilmiyada la xidhiidhka bulshada, Qaangaadhnimada maskaxda, wax ka barashada khibradaha nolosha, wax-yaalaha ku saabsan ibnu-aadamtinimada, walaalnimada, is jacaylka, daganaan-shiyaha, noolaan-shiyaha iyo nabad gudeedka.podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona. Waxa aan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay in aynu noolaano xaqiiqadeena, in aynu aqbalno abuurkeena iyo in aynu baadi goobanno duwanaan-shiyaheena,  si aynu ugu noolaano nolol isku miisaaman, farxad leh, daganaanshiyo leh oo ilaahay raali ka yahay,  nafteenuna raali ku tahay. "Talo waliba waxay ka iman doontaa qalbigeyga".