EPO8 Xasuusin iyo xasilooni| Ma tihid qofkii aad ahayd mudooyin kahor.

Xasuusinta maantaWaliga wax kaa dhacay caruurnimo iyo wax kugu dhaca wakhtiyo kahorow midna ha ceebaysanin.Waayo Khasaare maaha waxkastoon guda ahaan ku farxad galinini. Balse waa khibrad, waa waaya aragnimo, waa aqoon iyo dabar ku celin doona oo arimaha aad soo aragtay naftaada kama yeeli doontid markaad qoonsato markale inay kugu soo laba laabtaan.haaday jiraan waxyaalo aad ka timid ama waxyaabo hore, oo aad isu ciilayso dartoodi ogoow inaad nooshahay wakhti kale, da. kale, xaal...

Om Podcasten

Magacaygu waa Nasreen Sallah; waxaan aad u daneeyaa arimaha ku saabsan wacyiga ruuxda, cilmiyada la xidhiidhka bulshada, Qaangaadhnimada maskaxda, wax ka barashada khibradaha nolosha, wax-yaalaha ku saabsan ibnu-aadamtinimada, walaalnimada, is jacaylka, daganaan-shiyaha, noolaan-shiyaha iyo nabad gudeedka.podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona. Waxa aan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay in aynu noolaano xaqiiqadeena, in aynu aqbalno abuurkeena iyo in aynu baadi goobanno duwanaan-shiyaheena,  si aynu ugu noolaano nolol isku miisaaman, farxad leh, daganaanshiyo leh oo ilaahay raali ka yahay,  nafteenuna raali ku tahay. "Talo waliba waxay ka iman doontaa qalbigeyga".