Garaadka caadifada|‎الذكاء العاطفي |xirfada fahamka iyo la dhaqanka naftaada iyo nafaha dadka kugu xeeran.

Xalqadan waxa aan kaga hadlay waxa loo yaqaan Garaadka caadifadaEmotional intelligence, garaadka caadifadu waa xirfada fahamka, la dhaqanka, maamulka, maaraynta, xakamaynta iyo af-garadka naftaada, nafaha dadka kugu xeeran ee ah dadyawga aad inta u badan la dhaqmayso iyo sidoo kale xirfada fahamka iyo wacyi u yeelasha a nolosha. waxyaalo mawduucan quseeya ayaan kaga hadlay xalqadan dhagaysi wanaagsan.

Om Podcasten

Magacaygu waa Nasreen Sallah; waxaan aad u daneeyaa arimaha ku saabsan wacyiga ruuxda, cilmiyada la xidhiidhka bulshada, Qaangaadhnimada maskaxda, wax ka barashada khibradaha nolosha, wax-yaalaha ku saabsan ibnu-aadamtinimada, walaalnimada, is jacaylka, daganaan-shiyaha, noolaan-shiyaha iyo nabad gudeedka.podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona. Waxa aan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay in aynu noolaano xaqiiqadeena, in aynu aqbalno abuurkeena iyo in aynu baadi goobanno duwanaan-shiyaheena,  si aynu ugu noolaano nolol isku miisaaman, farxad leh, daganaanshiyo leh oo ilaahay raali ka yahay,  nafteenuna raali ku tahay. "Talo waliba waxay ka iman doontaa qalbigeyga".