Ku lifaaqanka dareen ee xanuunka inna bida | التعلق | Attachment.

- Xalqadani waxa ay kaa caawin doontaa Fahamka guud ee ku lifaaqanka dareen ee xanuunka qofka bidi kara ilaa heer uu is waayo (Attachment ).- Waxa aan kaga hadlay wax-yaabaha aasaaska u ah amaba sababa in uu qofku wax jeclaado jacayl aan caafimaad qabin amaba uu dareen ahaan iyo afkaar ahaan si fudud wax, shay amaba cid ugu lifaaqmo illaa heer uu dhibaato ku muto.- Cidda aynu dareen ahaan ku lifaaqmi karno illaa xad aynu is wayno, hadii ay tahay xaasaska, waalidka, walaalaha, dadyowga a...

Om Podcasten

Magacaygu waa Nasreen Sallah; waxaan aad u daneeyaa arimaha ku saabsan wacyiga ruuxda, cilmiyada la xidhiidhka bulshada, Qaangaadhnimada maskaxda, wax ka barashada khibradaha nolosha, wax-yaalaha ku saabsan ibnu-aadamtinimada, walaalnimada, is jacaylka, daganaan-shiyaha, noolaan-shiyaha iyo nabad gudeedka.podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona. Waxa aan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay in aynu noolaano xaqiiqadeena, in aynu aqbalno abuurkeena iyo in aynu baadi goobanno duwanaan-shiyaheena,  si aynu ugu noolaano nolol isku miisaaman, farxad leh, daganaanshiyo leh oo ilaahay raali ka yahay,  nafteenuna raali ku tahay. "Talo waliba waxay ka iman doontaa qalbigeyga".