Xalqadan waxa aan kaga hadlay qaybteen caruurnimo [ inner child ]. الطفل الداخلي Waxa ay tahay qaybteena caruurnimo iyo dhaqamada ama afcaasha lagu garto, Meelaha aynu kaga dhaqano iyo cida aynu kula dhaqmi kartno. Waxa kaloon kaga hadlay dhaawaca yaraanimo inagu soo gaadhaa sida uu nolosheena u saamaynayo sidoo kalena qaybteena caruurnimo uu u saamayn karayo.Xalqadan wax-badan baan ku sharaxay oo quseeya inner child oo aan ku rajo way-nahay in aydun ka faa.idi doontaan hal ama la...
Om Podcasten
Magacaygu waa Nasreen Sallah; waxaan aad u daneeyaa arimaha ku saabsan wacyiga ruuxda, cilmiyada la xidhiidhka bulshada, Qaangaadhnimada maskaxda, wax ka barashada khibradaha nolosha, wax-yaalaha ku saabsan ibnu-aadamtinimada, walaalnimada, is jacaylka, daganaan-shiyaha, noolaan-shiyaha iyo nabad gudeedka.podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona. Waxa aan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay in aynu noolaano xaqiiqadeena, in aynu aqbalno abuurkeena iyo in aynu baadi goobanno duwanaan-shiyaheena, si aynu ugu noolaano nolol isku miisaaman, farxad leh, daganaanshiyo leh oo ilaahay raali ka yahay, nafteenuna raali ku tahay. "Talo waliba waxay ka iman doontaa qalbigeyga".