EPO1 Xasuusin iyo xasilooni| Raali-galinta dadka.

Xasuusinta xalqadan Bani aadamka awoodiisa waa la xadiday, waala xadeeyay waana la xakameeyay. Wixii se aad iinsaan ka heli waydo ilaahay xagiisa ka doono, ilaahay xagiisa ka raadso, ilaahayna xagiisana ka baadi doono.Waa ilaaha iska leh sifada kamaalka, dhamaystirnaanta, iyo isleekaanshiyaha.Waa rabiga aan agtiisa waxba laga waayin, agtiisa waxba laynagu yeelin. Talo saarashadiisana badbaada aynu bidno oo aynaan ku hungoobin.Ugu dambaynWaxkaste aynu kala doono oo aynu hadana kala wayno ...

Om Podcasten

Magacaygu waa Nasreen Sallah; waxaan aad u daneeyaa arimaha ku saabsan wacyiga ruuxda, cilmiyada la xidhiidhka bulshada, Qaangaadhnimada maskaxda, wax ka barashada khibradaha nolosha, wax-yaalaha ku saabsan ibnu-aadamtinimada, walaalnimada, is jacaylka, daganaan-shiyaha, noolaan-shiyaha iyo nabad gudeedka.podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona. Waxa aan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay in aynu noolaano xaqiiqadeena, in aynu aqbalno abuurkeena iyo in aynu baadi goobanno duwanaan-shiyaheena,  si aynu ugu noolaano nolol isku miisaaman, farxad leh, daganaanshiyo leh oo ilaahay raali ka yahay,  nafteenuna raali ku tahay. "Talo waliba waxay ka iman doontaa qalbigeyga".