Qisadii Fa’iza Sharif (qaybtii 1-aad)

Qaybtan waxaannu ku soo qaaddanaynaa qisada Fa'iza Shariif. Fai'za waxay ku soo kortay xarun lagu xanaanayn jiray caruurta aan waalidka lahayn ama qoysaskoodu yihiin faqiirka, dagaaladii sokeeye ee Somalia ka hor. Waxay innala wadaagaysa noloshu sidday ahayd berrigaas, iyo saamaynta burburkii Somalia ku reebay nolosheeda.

Om Podcasten

Hadafka aanu ka leenahay Podcast-kan Reer Guura , waxaa weeye in aanu dhisno oo xoojino shaqsiyada qofka muslimka ah ee soomaaliga ah. Waxaanu ku soo qaadan doona mawduucyo kala duwan oo khuseeya bulshada soomaaliyeed. Mawduucyadaaas oo aanu rajaynayno in ay ku raad reebaan dhagaystayaasha ku taxan Podcast-kan. Hadii ay jiraan wax talo iyo tusaale ah oo aad nagu soo kordhin karto, aad ayaanu usoo dhawaynaynaa, ee fadlan, nagala soo xidhiidh ciwaanada aanu ku leenahay baraha bulshada.