Cafimadka Maskaxda & Ramadanta

Fariin ii reeb :) Cafimaadka maskaxdu waa mid ay tahay qofku inuu ka war hayo markaste waayo waa waxa ugu muhiimsan ee laga saadaalin karo nololshaadu waa mid sidee u eeg iyo sidoo kale isbadalka wanaagsan ee aad doonaysid inaad noloshaada kusoo kordhisid ama aad ku aragtid. Daryeel cafimaadkaaga maskaxeed malin kaste adoo samaynaya caadooyin fudud oo qaar qaadanayaan 1 -4 daqiiqo malinkii. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp

Om Podcasten

Kusoo dhawoow Xidhiidhada Nolosha Podcast. Magacaygu waa Amaal Haybe waxaan ahay tababare nololeed oo qaabilsan dhisida xidhiidhada fayow iyo kobcinta hab-fikirka togan. Waxaan halkan kuuguso gudbin doonaa qaababka cilmiyaysan ee aad naftaada iyo dadka kaleba u la yeelan karto xidhiidh cafimaad qaba oo fayow.Kuxidhnow Xidhiidhada Nolosha Podcast oo salaasa kaste 7:00pm fiidnimo aad ka heli doontid mawduucyo saamayn wanaagsan kuyeelan doona xidhiidhada ka tirsan noloshaada iyo cafimadkaaga maskaxeed. Dhagaysi wacan.