Episode 1: Xalqadda 1aad | Abdihakim Mohamed | CEO, Hadiid Industries

Xalqadan waxaan kula sheekaysanayaa Cabdixakiim Maxamed, Aasaasaha Shirkadaha Xadiid.Safarka curineed ee Cabdixakiim waxaa ku jira casharo wax laga baran karo, yididiilo iyo xujooyin badhitaari kara qof kastę oo raba in uu curiyo hal-abuur guulaysta. Halkan kaga bogo qisada Cabdixakiim iyo sida uu u dhisay shirkad nooceedu innagu cusub yahay isla markaana uga dhigay ganacsi guulaystay oo saamayn wanaagsan ku yeeshay suuqa dhismaha ee Soomaaliya. Marka aad ka bogato, Kusoo biir Channel-keenna,  lanasii wadaag saaxiibbadaa. dhagaysi wanaagsan!

Om Podcasten

BUUNDO waa madal kulmisa dadka ka lib keenay hammigoodu iyo dadka barbilawga taagan. Waxaanan bulshada kula wadaagaan xikmad, qisooyinka yididiilo leh, aqoon, wacyi iyo tabo u shaqeeyay dadka aan ku kula sheekaysanno madashan. Ujeedadu waa in aan abuurno horseed lagu dayan karo.